Michael Keating oo maanta soo gaaray Boosaaso & C/weli Gaas oo kala…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Boosaaso (Horumar Online) – Michael Keating, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wakiilka iyo xubno uu horkacayo, ayaa barqanimadii maanta ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka Boosaaso ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu hormuud u ahaa Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wefdiga Wakiilka Qaramada Midoobe, ayaa loo galbiyay Xarunta Maamulka, halkaasoo la soo sheegayo in kulan uu uga soconayo Madaxweynaha Puntland.

michael-keating-iyo-cabdiweli-gaas

Wararka ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadlayan arrimo ay ugu muhiimsan yihiin doorashooyinka dalka iyo dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Saacadaha soo socda, ayaa lagu wadaa in si wada jira ay shir jaraa’id ugu qabtaan Magaalada Boosaaso, kagana hadlaan waxyaabihii ay kaga wada hadleen kulankoodaasi.

Xafiiska Horumar Online, Boosaaso
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close