XOG: 3 Cisho oo loo qabtay in lagu soo gaba-gabeeyo diyaargarowga Doorashada Aqalka Hoose

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban ee Somaliya ayaa Maamul Goboleedyada kale ee aan weli qaban doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ugu baaqay inay 3 maalin ee soo socota inay ku soo dhameeyaan waxyaabaha ka dhiman Diyaargarowga qabsoomida Doorashada Xubnaha Aqalka hoose.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in maamul Goboleedyada dhiman inay dedejiyaan qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban ee Somaliya Maxamed Keynaan ayaa Warbaahinta u sheegay in Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed Somaliya inay dadajiyaan dhismaha Aqalka Hoose isla markaana ay Ergooyinkooda doortaan Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanadooda.

“Guddiga wuxuu ku boorinayaa Guddiyada kale ee Dowlad Goboledyada ee haray, inay soo dhameystiraan Diyaargarowgooda si Doorashada ay uga dhacaan Deeganadooda, Dowlad Goboledyada Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa la filayaa saddex cisho inay ku soo dhameeyaan Doorashada kadib marka ay soo buuxiyaan Shuruudaha looga baahan yahay, Shuruudaha haray waxaa waaye Ergooyinkii waa diyaar Musharaxiinta tartamaya inay soo gudbiyaan Kuraasta Haweenka oo qoondeysan inay soo gudbiyaan.” Ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Doorashada.

Waxa uu sheegay in waqtiga uu yar yahay loona baahan yahay in 3 maalmood ee soo socota lagu dhamaan waxyaabaha dhiman ee Diyaargarowga ah.

Ilaa hada Maamulka Puntland ayaa soo doortay Xildhibaano gaaraya 12 Xildhibaan, kuwaasi oo hada la xaqiijiyay inay yihiin Xildhibaano rasmi ah oo Afarta sano ee soo socota ah.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa xarumaha Maamul Goboledyada dalka ka jira inay si rasmi ah uga bilaabato Doorashooyinka Xubnaha Aqalka hoose.

Maamul Goboledyada qaar ayaa waxaa ka jira murano ku aadan sida Jufooyinka ay u kala qaybsadeen Xubnaha Ergooyinka ah.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close