XOG LA HELAY: Duqa Muqdisho oo la sheegay inuu Xildhibaanimo u raadinayo Wadaad xagjir ah

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Abuukar Yaxye oo ka mid ah waxgaradka Beesha Daa’uud, Abgaal, ayaa si kulul Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) ugu eedeeyay inuu Xildhibaanimo u raadinayo Wadaad xagjir ah.

Abuukar Yaxye, ayaa tilmaamay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir in uu u ololeynayo Maxamed Axmed Beerey, oo beel ahaan ka soo jeeda Beesha Daa’uud.

Abuukar Yaxye, ayaa yiri “Ninkan la leeyahay Yuusuf Xuseen Jimcaale wuxuu maalmahaanba waday olole uu ku doonayo inuu Xildhibaan noqdo Maxamed Axmed Beerey, oo aad ogtihiin inuu yahay Wadaad mayal adag.”

“Waxaad ogtihiin in ninkan Beerey uu ka dambeeyay in Xarakada Al Islaax ka hana-qaado Magaalada Muqdisho. Hormuud ayuu u ahaa raggii hirgelinta Al Islaax waday.”

“Ardaydii masaakiinta ahayd ee laga uruuriyay Magaalada Muqdisho xilligii Maxkamadaha, laguna laayay Deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay, waa ninkii ka kaxeeyay Magaalada Muqdisho.”

“Sababta uu Duqa Muqdisho ninkan u taageerayo waxaa waaye, waxay ka wada yimaadeen dalka Masar, oo saaxiibo ku noqdeen, waxayna ka wada tirsan yihiin kooxda Dam Jadiid, oo ah koox hoos-tagta Xarakada Al Islaax.”

“Hadana iyadoo Beesha Daa’uud aysan ku qanacsanayn Xildhibaanimada ninkaasi, ayaa lagu bixinayaa dhaqaalihii Gobolka Banaadir uga soo xorooneyyay Waaxda Canshuuraha, waxaana looga faa’iideysanayaa awoodda Duqa Muqdisho.”

“Umadda Somaliyeed iyo caalamkaba waxaan u sheegeynaa inaysan marnaba beesha raali ka ahayn ninkaasi, isla-markaana ay ka soo horjeedo ku takri falka dhaqaalaha Gobolka Banaadir, ee loo adeegsanayo nin jecleysiga.”

Isagoo la hadlaayay Warbaahinta gudaha, ayuu Abuukar Yaxye Duqa Muqdisho kaga digay inuu ku adkeysto ololaha uu Xildhibaanimada ugu doonayo Beerey.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close