XOG: Shacabkii ku haray Magaalada Gaalkacyo oo guryahooda ka cararay!

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Ka dib markii maqribnimadii xalay uu joogsaday dagaalkii qaraaraa ee shalay subax ka qarxay Magaalada Gaalkacyo, ayaa dadkii rayidka ahaa ee ku haray waxay bilaabeen inay ka barakacaan magaaladaasi.

Tan iyo markii la sheegay in Madaxda Galmudug iyo Puntland ay heshiis nabadeed ku wada gaareen Magaalada Abu Dhabi, ayaa waxaa jiray tiro dad ah oo dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo. Dadkaasi waxaa markale lagu khasbay inay guryahoodu ka cararaan.

Xalay oo dhan waxaa la arkaayay shacabka deegaanka oo ka barakacaya xaafadaha ay ka kooban tahay Gaalkacyo, iyagoo markaasi walaac ka muujinaya dagaalka dib uga soo cusboonaaday magaalada.

Wariye-yaasha, ayaa soo sheegaya in dadku u cararayaan deegaanada hoos-yimaada Magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ay xabaddu ka durugsan tahay.

Dagaalkan ka soo cusboonaaday Xarunta Gobolka Mudug, ayaa Axadii saamayn ballaaran ku yeeshay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada iyo weliba goobaha ganacsiga.

Inkastoo ay saakay degan tahay xaaladda Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa hadana jirin wax ganacsi ah oo ka jira Gaalkacyo, waxayna goobaha ganacsigu yihiin kuwo haawanaya.

Ciidamada Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa la soo sheegaya in weli isu horfadhiyan goobihii uu dagaalku ka dhacay, waxaana macquul ah in markale ay foodda is daraan.

Dagaalkan oo lagu sheegay midkiisii ugu qaraaraa ee ka dhaca Gaalkacyo, mudada halka bil ah ee uu dagaalku ka soconaayay, ayaa waxaa ku dhimatay 27 qof oo labada dhinac u badan, halka in ka badan 80 kalana ay ku dhaawacantay.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close