XOG: Al-Shabaab oo Madaafiic ku garaacday Xerada AMISOM

Filed under: WARARKA MAANTA |

Ceelbaraf (Horumar Online) – Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ururka Al Shabaab ay tiro madaafiic ah ku garaaceen Saldhiga ciidamada Midowga Afrika Amisom ee deegaankaasi.

Subixii Talaadada maanta aya wararku sheegayaan in Madaafiicdaan oo tiradooda ay kor u dhaafeyso 5 Madfac Shabaab ay ku garaaceen Saldhiga Ciidamada Amisom ee deegaankan Ceelbaraf.

Wararka waxa ay sheegayaan in qaar ka tirsan Madaafiicda ay ku dhacday gudaha Xerada ciidamada Midowga Afrika Amisom ee deegaankaan Ceelbaraf.

Xerada Amisom ee deegaanka Ceelbaraf ayaa waxa ay ku taala halka loo yaqaan Carakaawada oo duleedka ka ah deegaanka Ceelbaraf.

Waa weerarkii saddexaad oo madaafiic ah oo Shabaab hal isbuuc gudihiisa ay ku qaadaan Saldhiga Ciidamada Amisom ee deegaankan.

Sababta Al-Shabaab ay u kordhiyeen culeyska ay saarayaan ciidamada Midowga Afrika ee deegaankan ku sugan ayaa waxa ay tahay in Amisom ay halkaasi isaga guuraan, maadaama dadkii shacabka ahaa ee deganaa deegaanka Ceelbaraf horay ay halkaasi uga barakaceen.

Ciidamada Burundi ee Amisom ka tirsan ayaa markii Madaafiicdaasi lagu weeraray, kadib waxa ay sameeyeen howlgalo ay ku baadigoobayeen Shabaabkii Madaafiicda ku weeraray, balse lama sheegin natiijada ka dhalatay howlgalkaasi.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close