Askari ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed oo xukun dil ah lagu riday

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baydhabo (Horumar Online) – Maxkamada ciidamada Qalabka sida qaybta 60-aad ee Gobolka Baay, ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay xukun dil ah ku riday Askari ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed oo horay qof shacab ah u dilay.

Askarigaan ayaa 10-10-2016, waxa uu qof shacab ah ku dilay Degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay, kadib markii la helay cadeymo iyo marqaatiyaal goobjoog u ahaa dilka Askarigaasi uu geystay.

Askariga ayaa lagu eedeeyay inuu toogtay Qaasim Cadow Xaaji Keyrow, wuxuu kaloo dhaawacay labo caruur ah oo uu dhalay marxuumka geeriyooday, Askariga falkaan geystay ayaa lagu magacaabaa Cali Boorow Maxamed.

Gaashaanle  Aadan Abuukar Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida qeybteeda 60-aad, ayaa Xukunkaasi dilka ah ku dhawaaqay in lagu riday Askarigaasi.

Askariga la xukumay ayaa lagu xiray Xabsiga Magaalada Baydhabo, waxaana uu yahay dil suge dhawaan sharciga toos loo marsiin doono.

Ehelada Marxuumka horay loo dilay ayaa soo dhaweeyay dilka maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku riday Askarigaan ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed

Xafiiska Horumar Online, Baydhabo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close