Jawaari & Xidig oo ku guuleystay Xildhibaanimada Baarlamanka soo socda

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baydhabo (Horumar Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ku guuleystay kursiga 1aad ee aqalka hoose ee Maamulka Koofur Galbeed.

Jawaari waxaa la tartamayay Cabdi-raxmaan Sheekh,waxaana uu jawaari  helay 45 Cod halka uu Cabdi-raxmaan helay 5 cod oo kaliya.

Dooraahsda Xubanaha aqalka hoose ayaa ka socota Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay,waxaana kursiga kuwaad sidaa ku helay guddoomiye Jawaari.

Doorashada Jawaari ee aqalka hoose waxaa ay dhabar jab Siyaasadeed ku tahay madaxweynaha Mamaulka Koofur Galbeed oo Musharrax madaxweynaha Soomaaliya ah kaas oo horay u sheegay in Maamulka Koofur Galbeed aysan qaadaneyn Guddoomiye Baarlamaan una tartamayaan Madaxweynaha.

Hase ahaatee Guddoomiye Jawaari ayaa isagana horay u sheegay in xildhibaanimadiisa ay halis ku jirto kadib markii uu sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan uu ku tuhmay in Jawaari uu qaadanayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soo socda.

Docda kalena, Cabdi-rashiid Maxamed Xidig oo hore uga mid ahaa mudaneyaasha baarlamanka dalka Soomaaliya, ahaana wasiiru dowlaha arimaha gudaha dalka ayaa cod dhan 37 uga guuleystay musharixiintii la tartameeysay ee kala ahayd Max’ed Ismaaciil Shuuriyo oo helay 5 cod iyo maxamuud Maxamed Kuuloow oo isna helay 7 cod.

Gudiga ayaa ku dhawaaqay in Xidig ku guuleystay booska xildhibaan federaalka Soomaaliya.

Doorashada ayaa weli si hab-sami leh uga socota hoolka Daawad, waxaana la filayaa in ay bilaabato beesha ku xigta ee soo dooran doonta xildhibaankooda.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close