UPDATE: Dagaal xooggan oo dib uga bilowday Gaalkacyo & Xaaladda oo…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) –  Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, Galbeedka Magaaladaasi ayaa waxa ay sheegayaan, in halkaasi uu ka biloowday dagaal u dhaxeeyay ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland, saacado kadib markii heshiis lagu wada gaaray Khadka Taleefoonka.

Dagaalkaan oo aanan la ogey dhinaca bilaabay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in mar kaliya la maqlay dhawaqa madaafiic culus oo labada dhinac ay isweydaarsanayaan.

Galbeedka Magaalada Gaalkacyo oo markii horeba ay isku hor fadhiyeen ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa dagaalka uu ka biloowday, sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen.

Rasaas culus ayaa sidoo kale laga maqlayaa Magaalada Gaalkacyo, taasi oo niyad jab hor leh ku sii abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Magaaladaasi Gaalkacyo oo markii horeba kalsooni badan aanan ka qabin Heshiiskii shalay.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo inuu yahay mid hal qarni soo jiray, islamarkaana waxa dagaalka u dhaxeeya uu yahay shacabka degan Magaaladaasi.

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arimaha Somaliya oo shalay tagay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa heshiis xabad joojin ah kala dhex dhigay Maamulada Galmudug iyo Puntland, balse heshiiskii ayaa bur buray.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay u baahan tahay in heshiis rasmi ah  la kala dhex dhigo dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya, lana kala qaado ciidamada is horfadhiya.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close