XOG: Maxaa ka soo baxay kulankii Jowhar ku dhexmaray Cumar Dhageey iyo Madaxweyne Cosoble?

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jowhar (Horumar Online) – Guddoomiyaha Guddiga doorashada dadban ee Heer Federaal Cumar dhegey ayaa maanta booqday magaalada Jowhar ee  Xarunta Maamulka Hirshabeelle waxaana uu kulan la qaatay madaxweynaha Mamaulkaasi Cali C/llahi Cosoble.

Kadib kulankooda ay wadjir shir jaraa’id ugu qabteen Magaalada Jowhar,waxaana Guddoomiyaha Guddiga doorashada uu sheegay in ay booqashadooda ku saabsan tahay in ay la socdaan halka ay mareyso doorashada Mamaulka Hirshabeelle ee aqalka sare iyo hoose,waxaana uu ku bogaadiyay sida ay u socoto doorashada aqalka sare oo halkaasi ka dhaceysa maanta.

Guddoomiye Dhegey ayaa sheegay in Guddiga uu ku faraxsan yahay in Maamulka Hirshabeelle oo da’yar uu billaabo hirgelinta doorashada isaga oo sheegay in doorashooyinka ka socda Puntland,Koofur Galbeed iyo Jubbaland ay ku xigi doonaan Galmudug iyo Hirshabeelle

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in muddo 3 Cisho ah ay sidoo kale ku billaabi doonaan doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka xubnaha u galaya Hirshabeelle.

Cosoble,waxaa uu ku faanay in maamulkiisauu xoogga saaray in xuquuqda kootada Haweenka ay xoogga saareen taas oo sida uu sheegay ay ku caddahay in 30% la siiyay Haweenka maaddaama labo Kursi oo ka mid ah Kuraasta 8 ah ay ku tartamayaan Dumar kaliya.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close