XOG: Rasaas Caawa ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Hirshabelle

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jowhar (Horumar Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in caawa qalalaase uu ka dhacay afaafka hore e xarunta Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal gacan ka hadal ah ay ku lug lahaayeen Xildhibaano.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirhabelle ayaa ku sugnaa hoolka shirarka halkaas oo la filayay in caawa ka bilaabato doorashada qaar kamid ah Xubnaha aqalka sare ku matalaya Maamulka Cusub ee Hirshabelle.

Sida aan wararka ku heleyno Xildhibaanada ayaa bilaabay in ay isaga baxaan Hoolka Shirarka markii ay rasaasta ka dhacday afaafka hore ee xarunta ay ku shirsanaayeen Xildhibaanada, waxaana hada hoolka ku sugan Xildhibaano tiro yar.

Wali lama oga in doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Hirshabelle in ay baaqatay iyo in kale, waxaana magaalada ka socda kulamo xasaasi ah oo lagu xalinayo xiisada ka dhalatay doorashada Xubnaha Aqalka sare, waxaana doorashadaasi cabasho ka keenay qaar kamid ah beelaha dega Hirshabelle.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close