Home Dhacdooyinka AKHRISO: Donald Trump oo ka hadlay Guushii uu gaaray, kana laabtay hadalo...

AKHRISO: Donald Trump oo ka hadlay Guushii uu gaaray, kana laabtay hadalo uu horay u sheegay

SHARE

Ohio (Horumar Online) – Kadib doorasho dhawr saacadood qaadatay oo ka dhacday dalka Maraykanka ugu dambeyn waxaa kusoo baxay musharaxa ka socday xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo helay 276 markii codadka la tiriyay

Taageerayaashiisa ayaa dabaal degyo iyo sawaxan bilaabay markii ay natiijadu soo baxday.

Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maraykanka waxaa uu aaminsan yahay inay maalin weyn u tahay dadka Maraykanka oo ay doorteen hogaan cusub oo jiho cusub u hagaya dadka Maraykanka.

trump333

Donald Trump oo noqday Madaxweynihii 45,aad ee Maraykanka soo maraya waxaa uu dhashay 1945 waa 70 jir waqtigiisa inta badan ku baxshay ganacsiga waxaana lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay hantiilayaasha Maraykanka.

Waa Aabe leh Shan caruura oo haween kala duwan u dhaleen.

Khudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa ayuu ugu mahad celyay haweeneyda la tartamaysay hase ahaatee waxaa uu sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ee uu qaban doono ay ka mid yihiin midaynta Maraykanka iyo inuu madaxweyne u yahay dadka Maraykanka oo dhan.

Trump oo intii uu ololaha waday jeediyay hadalo xurguf lahaa ayaa waxyaabaha uu horey u balan qaaday waxaa ka mid ah inuu dib u eegis u sameyn doono dadka soo galootiga ah inuu darbi ka dhisi doono xadka uu wadankaasi la wadaago dalka Mexico.

Khudbadihiisaas ma aheyn kuwa ay jecleysteen Muslimiinta iyo dadka wadankaasi aanan u dhalan.

Donald Trump oo noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee aan siyaasi aheyn ee xilkaan dalkaasi ka qabta waxaa uu xilka la wareegayaa 20 bisha January ee sanadka soo socda 2017.

Waxaan fariin ka helay xoghaye kilinton

Waaxay noogu hambalyaysay guusheena anna waxaan ugu hamblayaynaa ayada qoyskeeda waayo aad bay dagaal noola gashay.

Hillary aad bay ugu shaqaysay wadankeena anaguna waan u haynaa shaqada ay wadankeena u qabatay.

Haddda waa waqtigii Maraykanku ka bixi lahaa kala qaybsanaanta iskuna imaan lahaa

Xisbiyadeena Jamhuuriga , dimoqradiga iyo kuwa madaxbanaanba waxaan idiin leeyahay waa waqtigiinii aad isku imaan laheydeen oo aad midoobi laheydeen.

Waxaan u balanqaadayaa qof kasta oo Maraykan ah inaan Madaxwene u ahay dhamaan muwaadiniinta.

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-USA
Horumaronline@gmail.com

SHARE