DAAWO SAWIRRO: Ilhaan Cumar oo Taariikh Cusub ka dhigtay Mareykanka 

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Minnesota (Horumar Online) – Ilhaam Cumar oo ah Haweeneyda Soomaalida heysatana dhalashada dalka Mareykanka, ayaa ku guuleystay kursiga golaha wakiilada ee Minnesota.

Ilhaan Cumar oo ah Somali-Mareykan muslim ah ayaa loo doortay xubin golaha wakiilada sharci dejinta ee Minnesota.

Guushii hordhaca ahayd ee Ilhaan Cumar ka gaartay doorashadii is reebreebka ayaa keentay inay si fudud ugu guuleysato kursigan.

Ilhaan Cumar ayaa ku dhalatay Soomaaliya, waxayna muddo 4 sanadood ah ku qaadatay xeryaha qaxootiga dalka Kenya intii aysan u dhoofin dalka Mareykanka iyadoo 12 sano jir ah.

Musharixii la tartami lahaa oo isna Soomaali ah, kana tirsanaa xisbiga Jamhuuriga ayaa ka baxay tartanka doorashada.

Waa guul taariikhi ah oo dadka laga tirada badan yahay u soo hooyatay guusha Ilhaan Cumar, waxayna noqoneysaa haweeneydii ugu horeysay ee Soomaali, muslim ah oo kursigan ku guuleysata.

ilhaan-cumar-oo-taariikh-cusub-ka-dhigtay-mareykanka ilhaan-cumar-oo-taariikh-cusub-ka-dhigtay-mareykanka2 ilhaan-cumar-oo-taariikh-cusub-ka-dhigtay-mareykanka3 ilhaan-cumar-oo-taariikh-cusub-ka-dhigtay-mareykanka4 ilhaan-cumar-oo-taariikh-cusub-ka-dhigtay-mareykanka5

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-USA 
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close