DHAGEYSO: Galmudug oo markale ka hadashay Xaaladda Gaalkacyo & Dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay 

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Iyadoo maalmihii la soo dhaafay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ay ka socdeen dagaallo xooggan ayaa maanta oo Arbaco aheyd waxaa laga daremeeyay xaalad deganaansho, oo sidii hore ka wanaagsan.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Mudug, Cabdi Xuseen Sheekh oo Lahadlay warbahinta ayaa sheegay in xaalada magaaladu ay hada Roontahay, Marka laga Reebo Xabado goos goos ah.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA

Cabdi Xuseen Sheekh, ayaa sheegay, xabad joojintii ay Ku dhawaqeen labada madaxwayne ee maamullada Galmudug iyo Puntland ayna Weli dhaqan gelin.

gaalkacyo_horumar_online

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in Puntland ay door ka qaateen jabinta xabad joojinta Maadama shalay ilaa maanta ay xabado waawayn ku soo ridayeen dhanka Galmudug, waa sida uu hadalka u dhigay.

Isagoona ugu dambeyn, ka warbixiyay Xaalada Gaalkacyo sida ay tahaay Maanta iyo 24 Saac ee la Soo Dhaafay Kadib Dagaaalo Culus oo Gaalkacyo ka Dhacayay, Wuxuuna sheegay inay Galmudug dhulkeeda Difaacanayso.

Xafiiska Horumar Online, Gaalkacyo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close