Muuse Suudi oo ku guuleystay kursiga 3aad Aqalka Sare ee Hirshabelle

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jowhar (Horumar Online) – Waxaa weli magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh. Dhexe ka socota Doorashada Xubnaha Aqaka Sare umatalaya Maamulka HirShabelle Baarlamaanka soo socdo ee badalaya kan waqtigiisa dhamaaday.

Waxaa goordhow soo idlaatay doorashada Kursiga 3aad ee Aqalka Sare oo ay ku tartameen musharixiinta Kala ah Muuse Suudi Yalaxow iyo Xasan Cali Caadle.

Waxaa Hoolka doorashada fadhisay oo codeysay  95 Xildhibaan, Muuse Suudi ayaa helay 91 Cod halka musharixii la tartamayay ee Xasan Cali Caadle isna uu helay 4 Cod sida uu ku dhawaaqy Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle.

muuse-suudi-yalaxow

Kursigan 3aad ayaa aad isha loogu hayay maadaama uu ku tartamayay Yalaxow oo mudo dibedda ka joogay Siyaasada Soomaaliya.

musharxiii laga guuleystay ee Caadle oo hadlay ayaa ku qancay Natiijada Doorashada, wuxuuna u hambalyeeyay Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Musharaxa guuleystay ayaa isna dhankiisa sheegay in Aqalka Sare xubnaha ku soo baxa looga baahanyahay iney ka shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa Maamulka Curdunka ah ee HirShabeelle.

Doorashada Aqalka sare ee Hirshabelle, ayaa maanta la filayaa in lasoo gabagabeeyo waxaana hada harsan oo kaliya 5 Kursi.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close