Home WARARKA MAANTA UPDATE: Prof. Dufle oo ku guuleystay Kursiga Aqalka Sare ee Hirshabelle

UPDATE: Prof. Dufle oo ku guuleystay Kursiga Aqalka Sare ee Hirshabelle

SHARE

Jowhar (Horumar Online) – Prof.Cismaan Maxamuud Dufle ayaa ku guuleystay Kursiga Aqalka Sare ee Maamulka Hirshabelle, kadib markii uu ka adkaaday Musharaxii uu la tartamaayay.

Dr.Dufle ayaa helay codad gaaraya 85 cod, halka Jaamac Xusen  Xaashi oo Dufle la tartamaayay uu helay codad gaaraya 12 cod, sida Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaasi uu shaaciyay.

Dr. Dufle ayaa ku guuleystay codadkii ugu badnaa ee xubin aqal sare ay ku guuleysato, maadaama uu xaqiijiyay 85 Xildhibaan codkooda.

prof-cismaan-maxamuud-dufle

Waxa uu ka mid noqday Xubnaha Aqalka Sare ee deeganada Maamulak Hirshabelle.

Kursiga uu ku guuleystay Dr. Dufle ayaa ah kursiga labaad ee Aqalka Sare Maamulka Hirshabelle, iyadoo doorashada weli ay ka socoto Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Musharaxiin 23 gaaraya ayaa u taagan 8-da kursi ee Maamulka Hirshabeelle kaga soo aaday Aqalka sare, waxaana kursi walba ku tartamaya labo illaa afar musharax.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE