DAAWO SAWIRRO: Banaanbaxyo ka dhan ah Donald Trump oo gil-gilay magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

New York (Horumar Online) – Bannaanbaxyo ka dhanka ah guusha uu Donald Trump ka gaaray jegada madaxtinimada ee dalka Mareykanka, ayaa ka soconaya qaar ka mid ah magaalooyinka waawayn ee dalkaasi.

Bannaanbaxyadan oo ay hogaaminayan dhalinyaro arday u badan, ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii ka bilowday magaalooyinka New York, Washington, Boston, Chicago, Berkeley, Pittsburgh,
Portland, Austin iyo Nashville.

Bannaanbaxayaasha, ayaa waxay ka careysan yihiin hadaladii uu Donald Trump jeediyay, intii uu ololaha ugu jiray Xafiiska Aqalka Cad ee Mareykanka.

Kumanaan qof oo wata boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ka dhan ah Donald Trump, ayaa waxay dhooban yihiin afaafka hore hoyga uu ka degan yahay Magaalada New York ee Trump Tower.

Bannaanbaxayaasha, ayaa sidoo kale ku qaylinaya ereyo ay ka mid yihiin “Donald Trump maaha Madaxweynaheyga, maaha in dadku cabsi ku noollaadan iyo jooji naceybka.”

Trump, ayaa intii uu waday ololihiisii wuxuu fagaare-yaal ka sheegay in uu xadidi doono Muslimiinta imaaneysa Mareykanka, isla-markaana uu joojinayo qulqulka muhaajiriinta, iyadoona la xusuusto in weeraro afka ah uu ku qaaday qaar ka mid ah bulshada kala duwan ee dalkaasi ku nool.

Hase ahaatee khudbadiisii ugu horeysay ee uu jeediyay, markii la xaqiijiyay in doorashada uu ku soo baxay, ayuu sheegay in uu Madaxweyne u yahay qof kasta oo American ah.

Madaxweyne Obama iyo Hillary Clinton oo iyadu doorashada looga adkaaday, ayaa labaduba hambalyo u diray Trump, oo dad badani ka yaabisay inuu dhibco badani kaga guuleysto Ms Clinton.

bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump1 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump2 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump3 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump4 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump5 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump6 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump7 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump8 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump9 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump10 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump11 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump12 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump13 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump14 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump15 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump16 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump17 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump18 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump19 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump20 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump21 bannaanbax-ka-dhan-ah-donald-trump22

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-USA
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close