FAALLO: Soomaalida Mareykanku dhibaato qorsheysan kalama kulmi doonaan madaxweyne Donald Trump

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

FAALLO (Horumar Online) – Kaddib markii uu Donald Trump ku guuleystay madaxtinimada dalka Mareykanka waxaa soo baxayay casbi iyo walwal la soo gudboonaatay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, kuwaas oo rajo weyn ka qabay in Hillary Clinton ay ku guuleysto codbixintii Talaadadii.

Maalin kahor doorashada wuxuu Donald Trump yimid gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, wuxuuna si dhiirran u sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashada uu mamnuuci doono keenista qaxootiga Soomaaliyeed, waxaana arrintaas uu kordhiyay naceykii dad badan oo caddaan ah ay u qabeen Soomaalida gobolkan, taasina waxay keentay in Minnesota oo siyaasad ahaan laga taageersanyahay xisbiga Dimuqraadiga uu ku dhawaaday inuu ku biiro gobolada Jamhuuriga, hase ahaatee ay si dirqi ah Hillary Clinton ugu guuleysatay 47%.

trump-oo-noqday-madaxweynaha-mareykanka

Walwal kaas mid la mid ah waxaa qaba guud ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan. Shakhsiyan ilaa xalay iyo habeen hore waxaa i soo wacayay asaxaab iyo qaraabo kala joogo magaalooyin badan oo Soomaaliya ka mid ah iyo dalal badan oo caalamka ah, kuwaas oo ka warhayay hadaladdii xanafta lahaa ee uu adeegsan jiray Donald Trump, waxaana su’aalihii ay i weydinayeen ka mid ahaa; Ma la idin soo celinayaa? Sharciga la laga qaadan doonaa Soomaalida oo dhan? Ma u dacwoon kartaa dadka idinka maqan? Qaxootiga ku jira xeryaha ee leymanka sugaya ma u dhammaatay? Dadka aan sharciga heysan maxay sameyn doonaan? Iyo su’aalo badan oo kuwaas la mid ah oo jawaabahoodu igu adkaayeen.

Gobollada ay ku noolyihiin Soomaalidu waxaa ku xoog badan xisbiga Dimuquraadiga sida;  Minnesota, Seattle, Maine, California, Virginia, Oregon, Massachusetts, Illinois, iyo gobolka Ohio oo isagu marba dhinaca raaca, waxaana dhammaan shakhsiyaadka laga soo doorto gobolladaas ay yihiin kuwa ka gubanaya naceylka loo qabo Soomaalida iyo Muslimiinta.

Markii aad dhex gasho baraha bulshada ee Facebook iyo Twitter waxaad arkeysaa dad Soomaali ah oo qaarkood ku baaqaya in Canada iyo dalal kale la aado, hase ahaatee taasi waa fulaynimo, waayo haddii dhibaato dhaceyso waxaa nooga horeeya 11-milyan oo Latino iyo Mexican ah oo aan sharci heysan, kuwaas oo  laga yaabo inuu dib ugu celin doono dalalkooda, waxaana khalad ah in qof sharci heysta  oo Soomaali ah uu cabsi nuucaas ah soo xareysto.

Donald Trump waa hal shakhsi oo la doortay, waxaana la aaminsayahay in hadallo iyo ballan qaadyo badan oo uu hore u sheegay inaysan socon doonin, ayna ku ekaayeen ololaha doorashada, waayo waxaa waqti badan qaadan doonta sidii uu uga gudbin lahaa sharciyada uu damacsanyahay laba aqal ee Congress-ka iyo Senate-ka iyo weliba maxkamadda sare ee dalka, inkasta oo xisbiga Jamhuurigu uu heysto aqlibadda labada aqal.

Waxaa dhici karta inay hakadaan adeegyo badan oo Soomaalidu ay ku heysato dowladda hada jirta sida kaarka caafimaadka ee ObamaCare, taasina waxay saameyn doontaa malaayiin American ah, haba ugu badnaadaan dadka danyarta ah, hase ahaatee ma dhici doonto in hal habeen dhibaato nagu habsato.

Trump waxaa doortay dadka Caddaanka ah, gaar ahaan kuwa aan laheyn waxbarashada sare ee uu ka buuxo midab takoorku, waxaana isaga iyo xisbigiisu ay 8-dii sano ee la soo dhaafay ay ku kiciyeen in wadanka laga qaadanayo haddii aysan iyaga u codeyn.

Haa, waa dhici kartaa in sadex arrimood oo Trump iyo taageereyaashiisu ay neceb yihiin ay nagu gooniyihiin, kuwaas oo kala ah, Muslimnimo, Soomaalinimo iyo Africanimo, hase ahaatee sadexduba lama kulmi doonaan dhibaato diyaarsan. Waxaan nahay dad xaquuq leh, Mareykan ah, codna leh.

Soomaalida waxaa la gudboon inay is dejiyaan oo ay la yimaadaan niyad wanaagsan, waayo waxaa dhici karta in sida aaan uga cabsaneyno aanu noqon Donald Trump, iyadoo dhinaca kale ay dhab tahay inuu dad badan ku abuuray Soomaali naceyb aad halis u ah,

W/Q: Faarax Blue
Minneapolis, Minnesota.

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-USA
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close