XOG: Galmudug oo maanta lagu dooranaayo saddex Xildhibaan

Filed under: WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboled ee Maamulka Galmudug, ayaa shaaciyay in maanta Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, lagu dooran doono Saddex Xildhibaan oo aqalka hoose ku biiri doono.

Doorashada ayaa la filayaa in goor dhaw ay ka bilaabato Magaalada Cadaado, iyadoo guddigaan ay sheegeen in saddexdaan Xildhibaan kaliya in maanta la dooran doono.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboled ee Maamulka Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud, ayaa wuxuu tilmaamay maalinta Sabtida in Doorashada xoogeeda ay bilaaban doonto.

Waxa uu sheegay 8 Xubnood in la dooran doono maalinta Sabtida, islamarkaana beri oo Jimco ah Guddiga iyo Ergada intaba ay nasan doonaan.

Afhayeenka ayaa tilmaamay dhamaan agabkii doorashada inay diyaarsan yihiin oo Galmudug lagu soo dooran doono maalmaha soo socda 19 Kursi oo hada diyaarsan.

Kuraasta qaar ee muranada ka taagan, ayaa wuxuu sheegay in maalmaha soo socda la filaayo in la soo dhameystiro Ergooyinkii dooran lahaa Kuraastaasi, sidoo kalena la xaliyo Khilaafaadka ka jira.

Kuraasta muranada uu ka taagan yahay ayaa waxaa jira Siyaasiyiinta qaar oo doonaya inay leexsadaan dhamaan ergada, beeshooda, taasi oo keentay in muran adag uu ka yimaado.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close