Home WARARKA MAANTA UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii maanta ka dhacay ….

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii maanta ka dhacay ….

SHARE

Ceelbuur (Horumar Online) –  Waxaa faah-faahin Dheeraad ah ka soo baxaya Qarax Qasaaro u geystay Ciidamada Itoobiya lagula eegtay Duleedka Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Qaraxa oo laga Maqlay Deegaano badan oo ku yaal Gobolkaasi ayaa waxaa ay aheyd Miinada Nuuca dhulka lagu aaso taa oo lala eegtay Kolonyo ay wateen Ciidamada Itoobiya.

Dad ku sugan Nawaaxiga Degmada Ceel-buur ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in Qaraxa uu haleelay Gaari uuraal ah kaa oo gebi ahaantii basbeelay.

Warar hoose oo ay heshay Horumar.com, ayaa sheegaya in ku dhawaad 6 askari ay ku dhinteen qaraxaasi iyadoo dhaawaca uu intaa ka badanyahay.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE