WARBIXIN: Doorashada Madaxweyne Trump Maxay Qaaradda AFRIKA uga Dhigan Tahay?

Filed under: WARARKA MAANTA |

New York (Horumar Online) – Guushii uu Donald Trump ka gaaray Doorashadii Madaxtinimo ee Dalka Mareykanka, waxay Mustaqbalka Afrika uga dhigan tahay mid aan la saadaalin Karin.

Doorasho khiyaali ah oo Shacabka degen deegaanka uu kasoo jeedo Madaxweynaha dalka Mareykanka ee haatan xilka hayaa Barack Hussein Obama oo ku yaalla Galbeedka Kenya ayaa waxaa ku guuleysatay Hillary Clinton, Laakiin dadka Codeynayay Qaarkood ayaaba Donlad Trump oo waligood aysan arkin u codeeyay.

Dadka deegaanka Kogelo ayaa hadda sheegayaa in ay doonayeen inay guuleysato Hillary Clinton, ayna aad uga xun yihiin in Donald Trump uu guuleysto, Waxayna sheegeen in madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uusan Kenya ka heli doonin soo dhaweyn la mid ah tii shacabka Kenya ay u sameeyeen Obama, waa haddii uu dalkooda yimaado,

trump333

Barack Obama ayaa dalka Kenya la wadaaga xiriir wanaagsan maddaama uu aabihiis u dhashay Kenya, waxa uuna markii xafiska uu qabtay uu hirgaliyay mashruucyo lagu horumarinayo qaaradda Afrika kuwaasoo ay ka mid tahay in la labo jibaaro gaarsiinta korontada goobaha aan nalka lahayn ee ku yaalla Qaaradda Afrika.

Mareykanka wuxuu gargaarka Aadamnimo ee Afrika iyo maal-galinteedaba ku bixiyay Balaayiin Doollar, balse lama hubo Trump tallaabada uu qaadi doono, mana la hubo inta uu ka yaqaano Qaaradda Afrika.

Trump wuxuu Afrika ka sheegay wax yar, “ma u maleynaayo in uu wax badan ka yaqaano qaaradda” sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha machadka daraasaadka amniga ee Koonfur Afrika Jakkie Cilliers.

Gudoomiyaha Wuxuu intaasi ku daray in laga yaabo in Trump uu muhiimad siiyo waxa danta ay ugu jirto Mareykanka oo kali ah.

Waxyaabaha kale ee Mareykanka uu Afrika gacanta ka siiyay waxaa ka mid ah arrimaha amaanka. Ciidamada Mareykanka ayaa si qarsoodi ah qaaradda ku soo gala, iyagoo tillaabo ka qaada maleshiiyaadka islaamiyiinta ee Qaaradda ku badanaya.

Waxaa jira xarumo ay ka duulaan diyaarado dagaal iyo ciidamo si gaar ah uu tababaran oo la socda dhaqdhaqaaqa kooxaha xagjiriinta ah ee ay ka midka yihiin Kooxda sheegata dowladda Islaamka iyo kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida ee ka dagaalama qaaradda.

Waxyaabaha muhiimka ah ee loo baahan yahay in Trump Afrika uu u qabto waxaa ka mid ah:

  • Mintidiinta islaamiyiinta iyo qolyaha dadka tahriibiya ee gobolka saaxil iyo koofurta lama degaanka saxaaraha, ee hubka iyo muhaajiriinta galiya Libya.
  • Soomaaliya oo la daalaa dhacaysa sidii ay u noqon lahayd dawlad-federaal oo si buuxda u shaqaysa, deganaanshaheedana waxaa weli caqabad ku ah Al Shabaab oo iminka ay hor taagan yihiin quwado shisheeye iyo dayaaradaha maraykanka ee bilaa duuliyaha ah.
  • Itoobiya oo ah dalka siyaasadda iyo dhaqaalaha geeska afrika ugu horreeya oo dhibaato gudaheeda ah ay haysato, ayadoo xaalad degdeg ah la galiyey.
  • Shiinaha, Kuuriya, Turkiga iyo Iimaaraadka carabta oo lacag ku bixinaya sidii ay Afrika saamayn ugu yeelan lahaayeen.
  • Dagaalka sokeeye ee suudaanta koofureed oo bara kiciyey kumanaan qof oo gobolka ku firirsan,kuwassoo ay haysato cunno yari.
  • Dhibaatooyin kale oo soo muuqda, ayadoo ay jiraan Madaxweyneyaal si aad ah ugu sii dhaggan Xukunka, Gaar ahaan Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ah ee Koongo oo doorashooyinkii dib loo dhigay.

Hadalladii Qallafsanaa ee uu Donald Trump ku hadlayay xilligii ololaha doorashada, ayaa dad badan oo aan dalkaasi uu dhalan cabsi geliyay.

Ugu dambeyntii, Waxaa jira hubaal la’aan ku Aaddan waxay Afrika Trump uga dhiganaan doonto. Qaaradda waxay il gaar ah ku eegi doontaa bal inta uu ficil ahaan u sameyn doono hadalladii uu ku hadlay xilligii ololihiisa.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close