Wasiir Fargeeti oo waayay kursigii Baarlamaanka, kaddib markii…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baydhabo (Horumar Online) – Wasiirka Maaliyada Maxamed Aadan Fargeeti, ayaa maanta waayay Kursigii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, kadib markii laga adkaaday baratan ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Wararka Baydhabo ka imaanaya ayaa sheegaya doorashadii maanta ka dhacday Magaaladaasi in Wasiir Fargeeti uu helay codad gaaraya 25 cod, halka ruuxii kale ee la tartamaayay uu helay tiro intaasi ka badan.

Maxamuud Macalin Yaxye oo ah Xildhibaanka guuleystay ayaa helay codad gaaraya 26 cod, Sidaasina uu ku xaqiijiyay Kursiga Xubinimada Baarlamaanka Somaliya.

wasiir-fargeeti

Ergada Doorashada ayaa ah 51 Ergo, waxaana Doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ay aheyd mid xiiso badan, maadaama Kursiga Wasiir Fargeeti aad isha loogu haayay.

Sidoo kale Magaalada Baydhabo waxaa lagu doortay Afar xubnood oo kale oo ka mid noqday Baarlamaanka Somaliya.

Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee dalka ayaa ka socota Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ee Gobolada Baay iyo Jubbada hoose.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close