XOG: Ciidamada NATO & Puntland oo Madaafiic ku garaacay Qandala

Filed under: WARARKA MAANTA |

Qandala (Horumar Online) – Warara naga soo gaaraya Degmada Qandala ee Gobolka Bari, ayaa sheegaya in ciidamada NATO ee xeebaha Somaliya ku sugan iyo ciidanka Puntland ayaa weerar Madaafiic ah waxa ay ku qaadeen degmadaasi oo ay ku sugan yihiin Xoogaga Daacish.

Ciidamadan ayaa weerarka ka qaaday dhanka Badda, maadaama ay ku sugan yihiin meel aanan ka fogeyn Xeebta Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Waxaa la sheegayaa ciidamada NATO inay Madaafiic ku garaaceen Magaalada gudaheeda, halka ciidamada Puntland oo si aad ah ugu dhawaaday Xeebta Degmada Qandala, halkaasi rasaas ay isku weydaarsadeen Xoogaga ka tirsan Daacish ee Magaalada haysta.

Ciidamada Daacish oo mar waliba feejignaan kaga jira weeraro kaga yimaada ciidamada Puntland iyo kuwa NATO, ayaa la sheegay inay fariisimo kala duwan ka sameysteen duleedyada Magaalada, sidoo kalena dhanka Buuraha ay difaacyo ka sameysteen.

Inkastoo dadkii deganaa Magaalada Qandala kol hore ay isaga barakaceen, ayaa hadana dad fara ku tiris ah oo Qandala ku sugan waxa ay sheegeen xalay inay maqlayeen dhawaqa rasaas fudud oo la isweydaarsanaayo iyo Madaafiic soo dhaceysa.

Lama oga ilaa hada Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi Madaafiicda ah ee Ciidamada NATO iyo Puntland ay ku garaaceen Degmada Qandala.

Ciidamada Puntland ayaa isku dayaya inay la wareegaan gacan ku haynta Degmada Qandala oo hada ay ku sugan yihiin Xoogag ka tirsan Kooxda Daacish qaybtooda Somaliya kaga sugan.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close