Home WARARKA MAANTA XOG: Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo sheegay inay hayaan in ka badan...

XOG: Gudiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo sheegay inay hayaan in ka badan 40 dacwo

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dalka Soomaaliya, Cabdrisaaq Barre Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in dacwado badan oo la xiriira doorashooyinka haatan ka socda Soomaaliya ay soo gaareen.

Guddoomiye Cabdirisaaq waxuu sheegay in Dadka dacwadaha wada ay hor yaalaan sharuudo adag, waxuuna tilmaamay in qofka dacwoonaya looga baahan yahay in uu wato waraaqo cadeynaya musharaxnimadiisa iyo in uu bixiyo lacag ka badan kun doolar ($1,000)  si loo qabto ama loo aqabalo dacwadiisa.

gudiga-xalinta-khilaafaadka-doorashooyinka

Mr. Cabdrisaaq Barre ayaa waxuu tilmaamay in haatan ay gacanta ku hayaan 42 dacwadood, kuwaasi oo dhamaantooda laga qaaday lacagta ka badan kunka doolar, isagoona qeexay in 150 dacwadood ay qaban waayeen kadib markii uu sida uu sheegay Dadkaasi ay bixin waayeen lacagihii looga baahnaa.

Sharuudaha Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyliyay Dadka u tartamaya kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo sheegay iyagoo markii hore tabanayay cadaalad darro hadana Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Doorashooyinka uu Akoon u furtay sidii uu dhaqaalo ugu aruurin lahaa.

Sikastaba, buuqa ka taagan doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cirka isku soo shareeray kadib markii ay soo baxeen siyaasiyiin badan oo sheegaya in loo diiday musharaxnimadooda, gaar ahaan Degaanada Jubaland iyo Galmudug kuwaasi la sheegay in ay diideen Dadka damacsan ka mid noqoshada Baarlamaanka.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE