Home WARARKA MAANTA XOG LA HELAY: Wasiir sheegay in Xildhibaanada lagu soo doortay Kismaayo ay...

XOG LA HELAY: Wasiir sheegay in Xildhibaanada lagu soo doortay Kismaayo ay ku jiraan Al-Shabaab

SHARE

Kismaayo (Horumar Online) – Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa tilmaamay in xubnaha Xildhibaanada cusub ee lagu doortay Magaalada Kismaayo qaarkood ay xiriir dhow la leeyihiin ururka Al-Shabaab.

Mr. Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa intaasi ku daray in arintan ay noqoneyso carqalad horleh oo ay la kulmi doonto Dowladda Cusub.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tibaaxay in shaqsiyaadkan ay taageero ka helayaan Madaxda Dalka qaarkood, kuwaasi oo u fududeynayo in ay Xildhibaano noqdaan.

wasiir-sheegay-in-xildhibaannada-kismaayo-lagu-doortay-ay-ku-jiraan-shabaab

Dhinaca kale, Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyay in kharashaadka raggan lagu buxinayo uu yahay mushaarkii loogu talagalay Shaqaalaha Dowladda.

Anigoo Wasiir Ku xigeen ah xitaa weli ma qaadan wax mushaar ah muddo 6 billood, taasi ayaan muujineysa musuq maasuqa lagu hayo doorashooyinka”, sidaasi ayuu yiri Mudane Cismaan.

Hadalka Xildhibaan Dhuuboow ayaa waxuu ku soo aadayaa Xili Madaxd Sare ee Dalka loo jeediyo dhaliilo ku aadan in ay musuq ku sameynayaan doorashooyinka Dalka.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE