YAAB -Ruushka: Abaalmarin la siiyay bahal saadaaliya guusha Trump

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Mosco (Horumar Online) – Bahalka loo yaqaan Bear-ka ee ku nool waddamada uu barafka ku badan yahay ayaa waxaa uu saadaaliyay doorashada dalka Mareykanka ee shalay lasoo gabo-gabeeyay, isagoona mahalkani uu saadaaliyay in Donald Trump uu ku guuleysanayo doorashada.

Bahalkan oo lagu magacaabo Felix islamarkaana ah 10-jir ayaa waxaa uu ku jiraa goob xayawaanka lagu xanaaneeyo oo lagu magacaabo Royev Ruchey, kuna taalla dalkaasi Ruushka.

Waxaa hadiyad looga dhigay oo lagu casuumay qado caalami ah, isagoona la siiyay qudaar, mallaay, hilib iyo qare logu kor qoray sawirka Donald Trump.

beer

Dhancdadan maanta ka dhacday dalkaasi Ruushka ayaa imaaneysa xilli maalinimadii shalay uu hambalyo usoo diray madaxweynaha Ruuskha Vladimir Putin dhiggiisa loo doortay dalka Mareykanka ee Donald Trump.

Xafiiska Horumar Onlin, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close