Home WARARKA MAANTA DAAWO SAWIRO: Bannaanbaxyada lagu diidan yahay Trump oo sii kordhay

DAAWO SAWIRO: Bannaanbaxyada lagu diidan yahay Trump oo sii kordhay

SHARE

New York (Horumar Online) – Mudaaharaadyo dheeraad ah oo lagu diidan yahay Donald Trump ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaalla Maraykanka.

Booliska gobolka Oregon ayaa sheegay inay la tacalayaan mudaaharaadyo rabshada wato iyo qarbudadaad.

Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay Oregon

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa la xiray iyagoo dhagxaan ku tuurayo booliska.

Magaalooyinka ay mudaaharaadyadaasi ka dhaceen waxaa ka mid ah Los Angeles, Philadelphia, Denver, iyo Minneapolis.

Dibadbaxayaasha Minneapolis ayaa jidgooyooyin dhigay waddooyinka

Dadka mudaaharaadayey waxay ku dhawaaqayeen ‘ma aha madaxweynahayga’, kalmadaasoo aad looga isticmaalayo baraha bulshada gudaha Maraykanka.

Mar sii horreysay Mr Trump ayaa dibadbaxyadani ku sheegay kuwa aan xaq ahayn, waxa uuna ku eedeeyay warbaahinta inay kicinayaan dadweynaha.

Khamiistii ayuu Mr Trump Aqalka Cad kula kulmay madaxweyne Obama si ay uga wada hadlaan kalaguurka.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

SHARE