DHAGEYSO – Mareykanka: Weerarkii Gaalkacyo waxaan ku beegsanay maleeshiyo deegaanka ah

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – 45 Cisho kadib waxaa soo Baxay Baaritaano inbadan isha lagu hayay oo ku aadan Duqeyn dhinaca circa ah oo lagu bartilmaameedsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Askar katirsan Maamulka Galmudug gaar ahaan Ciidankooda ku sugan Nawaaxiga Magaalada Gaalkacyo.

Baaritaanka waxaa waday Saraakiil Mareykan ah waxeyna ukuurgalayeen sida uu udhacay weerarka iyo waxa kajira wararka la xiriira in la dilay Maleeshiyaad dadka deegaanka ah.

HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXIN XASAASI AH

Xukuumada Washington ayaa sheegtay weerarkii lagu qaaday duleedka Gaalkacyo 28-kii bishii September ee sanadkan aanu ahayn mid Al-Shabaab lagu beegsaday, balse weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Maleeshiyo Deegaanka ah.

Hadalkan waxaa shaaciyay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika  oo yiri “weerarkaasi wuxuu ahaa mid lagu laayay Maleeshiyo Deegaanka ah oo malagu beegsan Shabaab.”

duqeyn-drones

Waxa ay sheegeen Taliska Mareykanka in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo khasaaraha dhabta ah iyo cida sida saxda weerarkaasi loola beegsaday.

Dhinaca Kalena, Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan warka ka soo yeeray Dowladda Mareykanka ee ku aadan weerarkii Gaalkacyo in aan lagu beegsan Shabaab, balse lagu beegsaday Maleeshiyo Deegaanka ah.

Waxa uu sheegay iney rajo ka qabaan in mar kale aaney soo noqon weerar kaasi lamid ah oo lagu laayay askartooda.

Afhayeenka Al-Shabaab oo isla maalinkii uu dhacay weerarka la hadlay wakaalada wararka ee REUTERS ayaa u sheegay ineysan Jirin wax kamid ah Askartooda oo ku sugan Deegaanada duqeynta ay ka dhacday

Puntland oo masuuliyiin katirsan warbaahinta kula hadleen Garoowe ayaa usheegay in duqeynta ay si wadajir ah u fuliyeen Maamulkooda iyo askarta Mareykanka kaga sugan Mudug,ayna Bartilmaameedsadeen Dagaalamayaal katirsan Ururka  Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa horey dhigeeda  Mareykanka uga codsatay in ay baaritaano dhab ah ku sameyso weerarkii Gaalkacyo ee lagu laayay Ciidamo ka tirsan Galmudug.

Xafiiska Horumar Online, Gaalkacyo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close