XOG: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo isku day Dil ah ka badbaaday, yaase weeraray

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa ka badbaaday isku day dil la doonayay in lagu qaarajiyo.

Muran xoogan ayaa xalay ku dhexmaray gudaha degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen iyo mid kamid ah Akarta ilaalada u ah kadib markii ay isku qabteen Mushaaraadka Ciidanka.

Askariga ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir weydiistay inuu siiyo mushaarkiisa maadaama ay Bisha mareyso 10,Biilna ay ka sugayaan reerkiisa.

yuusuf-madaale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaan waxba ka soo qaadin baahida askariga,waxeyna taas keentay in meesha uu gacan ka hadal ka dhoco.

Askariga oo heystay qoriga BKM ee Silsiladaha culus wata ayaa mar kaliya rasaas xoogan ku furay Duqa Muqdisho oo taagnaa masaafo aan sidaasi ubadneyn.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa rasaastii la huwiyay waxaa ka soo gaaray dhaawac dhinaca garabka ah, Waxaana durbaba goobta kala cararay Shaqaalihiisa, Askariga wax rasaaseeyay waxa ay is xigaan Guddoomiyaha Gobolka banaadir.

Askarigii Gudoomiyaha Gobolka  dhaawacay iyo Ciidamda kale ayaa israsaaseyn kooban dhexmartay, Waxaana usuuragashay askariga baahida tirsanayay ee Duqa Muqdisho dhaawacay in si nabad gelyo leh uu goobta isaga baxsado.

Ciidamada Nabad Sugida iyo Booliska Soomaaliya ayaa hada baaritaano xoogan ugu jira sidii ay usoo qaban lahaayeen Askariga Duqa Muqdisho dhaawacay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hada lageeyay Xarunta Aqalka Hoose ee Xamar, Dad ku sugnaa halka Falkaasi uu ka dhacay ayaa Horumar.com usheegay in Boorsaani wajigiisa laga dheehanayay Cabsi iyo Argagax xoogan.

Falkan ayaa yimid iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu mudooyinkan waday qorshe uu lacago si ka fiirsasho la’aan ah usiinayay Dadyoow kala duwan iyagoo ay baahi xoogan ay u heyso lacagahaas ilaaladiisa.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close