XOG: Itoobiya oo Xukun aan laga fiirsan ku riday Dhallinyaro Soomaali ah

Filed under: WARARKA MAANTA |

Addis Ababa (Horumar Online) – Maxkamadd ku taala dalka Ethopia ayaa xukuno xabsi ah ku ridday dhalinyaro Soomaliyeed oo lagu eedeeyay in ay damacsanaayeen in ay weeraro argagaxiso ay ka geystaan Magaalada Addis ababa.

Magacyada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la xukumaya ayaa kala ah,Axmed Cabdiraxmaan, Maxamed Axmed, Maxamed Cabdulaahi, Maxamed Cali, Aanas Cismaan, Cismaan Xasan, Maxamed Aweys.

Dadkan ayaa lagu eedeeyay inay ururka Al-shabaab ka tirsan yihiin, qorsheenayeena in weeraro la beegsadaan daarta Friendship ee kutaala xaafada Bole,gaar ahaan suuqyada Merkato,Edna iyo goobo kale.

Maxkamadda ayaa dhamaan muwaadiniinta Soomaliyeed ku xukuntay 9 sano oo xadhig ah madaama lagu helay kiis ah in ay qorshaynayaan weeraro Argagixiso oo ka dhacay gudaha dalka.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close