8 Xildhibaan oo maanta lagu soo dooran doono Magaalada Cadaado

Filed under: WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, ayaa maanta oo Sabti ah waxaa la filayaa in lagu soo doorto 8 Kursi oo ka mid noqonaya Xubnaha Aqalka hoose ee dalka.

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado, ayaa sheegaya inay socoto qaban qaabada Doorashada, sida Guddiga Doorashada Galmudug ay sheegeen maanta oo Sabti ah 8 Xildhibaan ayaa la soo dooran doonaa.

Ilaa hada Kuraasta diyaarka ah ee loo tartamaayo tiradooda waxa ay gaareysaa 19 Kursi, maalintii Khamiisti ayaa saddex ka mid ah la doortay, waxaana haray 16 Kursi oo maanta sida uu qorshaha yahay laga dooran doono 8 Kursi, halka ay dhinaan doonaan 8 kale.

xildhibaanno-lagu-dooranayo-cadaado

Galmudug deeganadeeda waxaa la doonayaa inay ka soo baxaan Xildhibaano gaaraya 36 Xildhibaan, iyadoo Kuraasta qaar ay ka jiraan murano ku aadan sida Beelaha Jufooyinka ay u kala qaybsan lahaayeen Ergooyinka soo dooranaya Xildhibaanada.

Siyaasiyiinta qaar ayaa si inqilaab ah u qortay Ergo ka dhaxeyso dhowr Jufo, iyadoo arintaasi ay ka taagan doodo iyo dacwooyin la xiriira inaysan suuragal aheyn shaqsi inuu afduubto ergooyin jufooyin ka dhaxeysa.

Olole xoogan ayaa ka socda Magaalada Cadaado oo ay wadaan Musharaxiinta Xubnaha Aqalka hoose doonaya inay ku biiraan, waxaana la kala iibsanayaa codadka Ergooyinka wax dooranaya.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in lagu soo gaba gabeeyo Doorashada Kuraasta Diyaarka ah, intaasi kadibna waxaa la guda geli doonaa xalinta Khilaafka ka taagan Kuraasta dhiman ee muranka uu hareeyay.

Xafiiska Horumar Online, Gaalkacyo 
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close