Home Dhacdooyinka DAAWO SAWIRRO: Heshiiska Cabdiweli Gaas iyo Guuleed ku wada gaareen Magaalada Gaalkacyo

DAAWO SAWIRRO: Heshiiska Cabdiweli Gaas iyo Guuleed ku wada gaareen Magaalada Gaalkacyo

SHARE

Gaalkacyo (Horumar Online) – Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Galmudug oo galabta heshiis nabadeed ku wada saxiixay Garoonka Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay Garoonka ka jeediyeen hadalo ay ku taageerayan nabadda.

C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland oo hadalka ku horeeyay, ayaa sheegay inay kulankan isugu yimaadeen xal laga gaaro colaadda Magaalada Gaalkacyo.

Ka Puntland ahaan, ayuu sheegay in kow iyo tobankii sano ee la soo dhaafay dhibaatooyin baahsan loo gaystay dadka reer Puntland ee ku nool Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale ee deriska la ah, dhibaatooyinkaas oo ay ka mid yihiin weeraro, barakacin iyo is hortaag horumar, sida uu yiri.

C/weli Gaas, ayaa tilmaamay in marwalba ay Puntland ku jirtay waxa uu ugu yeeray difaac, hadana ay diyaar u tahay inay dhinaceeda ka shaqayso nabadda Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalka qaatay, ayaa sheegay in dadka reer Gaalkacyo ay yihiin dad wada dhashay oo ehel ah, sidaasi daraadeedna ay muhiin tahay in xasiloonida laga wada shaqeeyo.

Madaxweynaha, ayaa tibaaxay in dadka reer Gaalkacyo looga baahan yahay inay garwaaqsadaan in Gaalkacyo tahay deegaan ay dadka oo idil wada leeyihiin. Waxaa uu intaa ku daray in dadka reer Gaalkacyo ay deeqdo nabad iyo xasilooni, sida uu yiri.

Gaas iyo Guuleed, ayaa wada saxiixay heshiis ka kooban saddex qodob, oo qasdigiisu yahay in laga gudbo dagaalka ku soo noq noqday Xarunta Gobolka Mudug.

Qodobada ay wada saxiixeen:-

In xabadda la joojiyo, lana magacaabo guddi isku dhaf ah
In 20-ka bishan la isugu taggo Magaalada Kismaayo
In si dhab ah looga wada hadlo waxyaabaha khilaafka dhaliyay.

heshiiskii-cabdiweli-gaas-iyo-cabdikariin-guuleed heshiiskii-cabdiweli-gaas-iyo-cabdikariin-guuleed1 heshiiskii-cabdiweli-gaas-iyo-cabdikariin-guuleed2 heshiiskii-cabdiweli-gaas-iyo-cabdikariin-guuleed3 heshiiskii-cabdiweli-gaas-iyo-cabdikariin-guuleed4 heshiiskii-cabdiweli-gaas-iyo-cabdikariin-guuleed5 heshiiskii-cabdiweli-gaas-iyo-cabdikariin-guuleed6 heshiiskii-cabdiweli-gaas-iyo-cabdikariin-guuleed7 heshiiskii-cabdiweli-gaas-iyo-cabdikariin-guuleed8 heshiiskii-cabdiweli-gaas-iyo-cabdikariin-guuleed9 heshiiskii-cabdiweli-gaas-iyo-cabdikariin-guuleed10 heshiiskii-cabdiweli-gaas-iyo-cabdikariin-guuleed11

Xafiiska Horumar Online, Gaalkacyo
Horumaronline@gmail.com

SHARE