Home Dhacdooyinka DAAWO SAWIRRO: Michael Keating oo Gaalkacyo u tagay wada hadalsiinta C/weli Gaas...

DAAWO SAWIRRO: Michael Keating oo Gaalkacyo u tagay wada hadalsiinta C/weli Gaas iyo Guuleed

SHARE

Gaalkacyo (Horumar Online) – Michael Keating, Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa goor dhaweyd gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee bartamaha Somaliya.

Ujeedada socdaalkiisa Magaalada Gaalkacyo ayaa la xiriirta sidii wada hadal nabadeed uu uga dhex furi lahaa Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Garoonka C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo, waxaa Michael Keating ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas).

Keating iyo Gaas ayaa kulan gaar ah hada waxa ay ku leeyihiin Garoonka C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo, waxayna ka wada hadlayaa sidii loo dhameyn lahaa colaada Magaaladaasi ka taagan.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuled oo ku sugan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, ayaa la filayaa inuu goor dhaw gaaro Garoonka C/laahi Yuusuf, halkaais oo ah madasha wada hadalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu tago Magaalada Gaalkacyo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo qayb ka ah madaxda ku howlan dib u heshiisiinta Magaalada Gaalkacyo.

Dadka Gaalkacyo ku nool, ayaa maanta u dhag taagaya heshiiska la filaayo inay wada gaaraan Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug ee lagu soo afjari doono colaada Magaalada Gaalkacyo.

heshiiska-gaas-iyo-guuleed-ee-gaalkacyo heshiiska-gaas-iyo-guuleed-ee-gaalkacyo1 heshiiska-gaas-iyo-guuleed-ee-gaalkacyo2 heshiiska-gaas-iyo-guuleed-ee-gaalkacyo3 heshiiska-gaas-iyo-guuleed-ee-gaalkacyo4 heshiiska-gaas-iyo-guuleed-ee-gaalkacyo5 heshiiska-gaas-iyo-guuleed-ee-gaalkacyo6 heshiiska-gaas-iyo-guuleed-ee-gaalkacyo7 heshiiska-gaas-iyo-guuleed-ee-gaalkacyo8 heshiiska-gaas-iyo-guuleed-ee-gaalkacyo9 heshiiska-gaas-iyo-guuleed-ee-gaalkacyo10

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

SHARE