Wada-hadalada maamullada Puntland iyo Galmudug oo goor-dhow ka furmay Gaalkacyo

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa goordhow ka bilowday wadahadalo toos ah una dhexeeya Madaxweynayaasha Mamaulada Puntland iyo Galmudug.

Wadahadalka ayaa hada ka socdo garoonka diyaaradahada Gaalkacyo halkaas oo ay wada joogaan dhamaan xubnihii ka qeybgalayay.

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug,Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilka Qaramada Midoobey uqaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa goobta ku sugan,sidoo kale madasha waxaa jooga odayaal iyo Culimo ka kala socda labada dhinac.

breaking-news

Qorshaha ayaa ahaa inuu Saaka bilowdo wadahadalka balse wuxuu udib dhacay Ra’iisul wasaare Sharmaake iyo Ambassador Michael Keating oo duhurnimadii maanta gaaray Magaalada.

Afar qodob ayaa miiska saaran oo laga wadahdlayaa kuwaas oo kala ah:

1- in la Joojiyo  Colaada.

2- in Ciidanka ishor fadhiya lakala qaado.

3- in dadkii barakacay la soo celiyo.

4- in xabada la joojiyo.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa horay Boosaaso uga iclaamiyay wadahadalkan oo la doonayo in xal kama danbeys ah laga gaaray dagaalada soo noqnoqday ee Gaalkacyo.

Wixii ka soo baxa wada-hadaladan kala soco Horumar.com

Xafiiska Horumar Online, Gaalkacyo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close