DHAGEYSO: Faroole oo qiray in Puntland ay ku jirto Xaalad Qatar ah!

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay Puntland inuu haysto dagaal labo jiho ah oo kaga kala furan Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari.

Waxa uu sheegay Gobolka Mudug inay kula dagaalamayaan cidamada Maamulka Galmudug, halka Gobolka Barina ay kula dagaalamayaan cidiamada Daacish.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA C/RAXMAAN FAROOLE

Senator C/raxmaan Faroole, ayaa sheegay in iyadoo taasi ay jirto deeganada Puntland ay ka taagan tahay xaalad abaareed oo u baahan gargaar Bini’aadinimo.

faroole064

Waxa uu tilmaamay Faroole Xaalada ka taagan deeganada Puntland inay xilligaan tahay mid aanan indhaha laga fiirsan Karin oo culimada iyo shacabka looga baahan yahay inay doorkooda ka qaataan.

Deeganada Puntland todobaadkii aan soo dhaafnay labo ruux ayaa u geriyootay Biyo la’aan kadib markii ay saameysay abaarta ka jirta deeganada Maamulkaasi.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close