Golaha Amniga ee Q.M oo waqtiga u kordhiyay Kooxda la Socodka Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Golaha Ammaanka ee QM ayaa waqtiga u kordhiyay Kooxda Monitoring Group ee Daba-galka Cunno-qabteynta Hubka ee Saaran Somalia iyo Eritrea, iyagoo shaqeyn doona illaa 15-ka November, ee Sannadka soo socda 2017-ka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, ayaa dalbaday in kooxda lagala shaqeeyo Hawlaha ay Qabanayaan, iyadoo laga dalbaday ciidanka AMISOM inay si dhaw ula shaqeyso hay’adda Monitoring Group-ka ee Qarmaada Midoobay.

Sidoo kale, Golaha Amaanka ayaa ka hadlay Musuq-maasuqa ka jira Soomaaliya iyo inay mamnuuc tahay dhoofinta dhuxusha ka socota magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

golaha-ammaanka-ee-qaramada-midoobay

Golaha Ammaanka, waxay sidoo kale sheegeen inay si weyn uga warhayaan Warbixinada Musuq-maasuqa, iyagoo ku baaqay in laga shaqeeyaan nabadda iyo Xasilloonida Guud ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Golaha Amniga ayaa ka dalbaday Dowladda Eritrea inay u ogolaato kooxdan la Socodka Cunno-qabteynta Hubka Somalia iyo Eritrea ee QM, Helitaanka Warbixinnada ay Qayb ka yihiin ogaanshaha Dhaq-dhaqaaqa hubka iyo Musuq-maasuqa.

Ugu dambeyn, Muddo kodhintan Kooxda Monitoring Group-ka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay soo saareen dhawaan warbixin ay kaga hadlayaan Arrimaha Soomaaliya.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close