Home WARARKA MAANTA Howlgal hub iyo dad lagu soo qabtay oo Baledweyne laga sameeyay

Howlgal hub iyo dad lagu soo qabtay oo Baledweyne laga sameeyay

SHARE

Baledweyne (Horumar Online) – Ciidamada ammaanka Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa gacanta ku soo dhigay hub  iyo dad la tuhmaayo inay Shabaab ka tirsan yihiin, kadib howlgalo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay Magaalada Baledweyne.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Xaafada Buundo weyn ee Magaalada Baledweyne, waxayna ciidanka soo qabteen qoryo gaaraya 9 Qori oo nooca Ak-47 ah iyo Bistoolado.

Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya Qaybta Gobolka Hiiraan Maxamed Cumar Cabdulle, ayaa sheegay baaritaan in lagu haayo 9-ka ruux ee ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen.

“Howlgalka wuxuu ahaa mid ammaanka lagu sugaayay dad ayaa lagu soo qabtay, ilaa Sagaal qof waaye dadka la haayo, hubka la soo qabtay waa Afar qori, Bistoolado ayaa jira, ciidamada Baaritaan dheeri ah ayeey wadaan.” Ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka ee Gobolka Hiiraan.

Dadka la soo qabtay ayuu sheegay Abaanduulaha in aanan la kala cadeyn karin inay Shabaab ka tirsan yihiin iyo in kale, balse uu socdo Baaritaankooda.

Sidoo kale hubka la soo qabtay ayuu sheegay in la hubinaayo inay Shabaab leeyihiin ama shaqsiyaad kale oo Baledweyne ku sugan inay leeyihiin.

Saddex Habeen ka hor ayeey aheyd markii Magaalada Baledweyne lagu dilay labo Askari oo ka tirsaneyd ciidamada Xooga dalka Somaliya.

Amniyaadka ururka Al Shabaab ayaa dilal qorsheysan ka fuliya gudaha Magaalada Baledweyne.

Xafiiska Horumar Online, Baledweyne
Horumaronline@gmail.com

SHARE