Khilaafka u dhaxeeya Kenya & Qaramada Midoobay oo qarka u saaran in…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Nairobi (Horumar Online) – Khilaafka ka dhex taagan Dowlada Kenya iyo Qaramada Midoobay, ayaa cirka isku sii shareeray, kadib markii uu kordhay eedeymaha Qaramada Midoobay ay u jeedinayso Ciidamada Kenya ee Somaliya jooga.

Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka dalka Kenya ayaa dowladda waddankaasi ka dalbaday kadib markii warbixin ay soo saareen Kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya iyo Eritrea ay sheegeen in Ciidanka Kenya ee Somaliya ay saami ku leeyihiin dhuxul laga dhoofiyo Dekadda Kismaayo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kenya Raila Odinga.ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ugu baaqay in Ciidanka Kenya uu ka saaro Somaliya si ay meesha uga baxdo fadeexadda lagu eedeeyay Ciidanka Kenya.

Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in Ciidanka Kenya ay sanadkiiba $12 Milyan oo Doolar ka qaataan Kismaayo,taas oo ka soo gasha dhuxusha laga dhoofiyo magaalada,waxaana ay warbixinta muujisay in Kiishkii Dhuxul ahba ay Ciidanka Kenya ku leeyihiin $2 Doollar oo lacagta Mareykanka ah.

Hoggaamiyayaasha Mucaaridka ah ee taladaasi siiyay Kenyatta waxaa ka mid ah John Mbadi, Eseli Simiyu, Mutula Kilonzo, Opiyo Wandayi, . Timothy Bosire iyo Jakoyo Midiwo.

Khilaafka Kenya iyo Qaramada Midoobey waxaa kale oo uu ka jiraa dalka Koofurta Suudaan ,kaas oo sababay in ay Kenya Ciidankeeda kala baxdo dalkaasi kadib markii Qaramada Midoobey ay shaqada ka ceyrisay taliyihii howlgalka nabad ilaalinta ee Q.M ee Koofurta Suudan oo Kenyaan ah laguna eedeeyay gabood fallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close