Madaxweyne Xasan Sheekh oo u tacsiyadeeyay Boqorka Sacuudiga

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jiddah (Horumar Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geerida ku timid Amiir Turki bin Abdulaziz Al Saud.

Madaxweynaha, ayaa tacsidan u direy Boqorka Sacuudiga, qoyskii, eheladii iyo shacabka Sacuudiga oo uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Amiir Turki bin Abdulaziz Al Saud.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun Allaha u naxariisto Amir Turki bin Abdulaziz Al Saud oo ka mid ahaa qoyska Boqortooyada Sucuudiga. Waxaan Boqorka Sacuudiga, qoyska boqortooyada iyo shacabka Sacuudiga u dirayaa tacsi wallaaltinimo, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Amiir Turki bin Abdulaziz Al Saud uu samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, Jannadii Firdowsana Allaha ka waraabiyo. AAMIIN.”

Madaxweynaha, ayaa sheegay in marxuum Amiir Turki Abdulaziz Al Saud uu ahaa shaqsi door wanaagsan ka soo qaatay horumarka dalka Sacuudiga.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close