Weerar ka dhacay dalka Mareykanka oo lagu dilay Soomaali, kaddib markii..

Filed under: WARARKA MAANTA |

Columbus (Horumar Online) – Kooxo hubeysan ayaa dalka Mareykanka waxa ay ku weerareen labo wiil oo Soomaaliyed sida ay sheegeen laamaha amniga ee dalka Mareykanka.

Magaalada Columbus ee dalka Mareykanka kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday labo Wiil oo Soomaaliyed , kuwaas oo la sheegay in ay muddo dheer ay ku noolaayeen dalka Mareykanka.

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool Columbous ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in mid ka mid ah dhalinyarada uu dhaawac culus soo gaaray , halka midka kalena uu geeriyooday.

Magacyada labada Wiil ayaa lagu kala sheegay Maxamed Cali oo dhaawac ah iyo sidoo kale Qaasim Maxamed oo geeriyooday.

Hoggaanka Ciidanka Booliska Magaalada Columbous ayaa sheegay in aysan garaneynayn sababta loo weeraray dhalinyarada Soomaaliyed , laakiin ay wadaan baaritaano ku aadan sababta keentay in la weeraro dhalinyarada Soomaaliyed.

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi xoogan tan iyo markii Madaxweynaha cusub ee Mareykanka loo doortay Donald Trump, waxaana jira cabsi ay ka qabaan in ay weeraraan dadka neceb Somalida ee ku nool dalkaasi.

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-USA
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close