Home Dhacdooyinka AKHRI: Magacyada Guddiga isku dhafka ah ee loo Magacaabay Colaadda Gaalkacyo ragaadisay

AKHRI: Magacyada Guddiga isku dhafka ah ee loo Magacaabay Colaadda Gaalkacyo ragaadisay

SHARE

Gaalkacyo (Horumar Online) – Maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland, ayaa waxa ay galabta oo Axad ah magacaabeen guddi isku dhaf ah, ka dib kulan ay ku yeesheen Garoonka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Guddigan oo ka kooban 18 xubnood, ayaa waxaa loo wakiishay inay ka shaqeeyan xal u helidda dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdi-rashiid Cali Sharmaarke oo goobjoog ka ahaa kulankaasi, ayaa ku dhawaaqay guddiga isku dhafka, ay labada maamul magacaabeen.

guuleed-sharmaarke-gaas-horumar-online-garowe

Hoos ka aqri, Magacyada xubnaha Galmudug:

1. C/samad Nuur Guuleed, Gudoomiyaha dhinaca Galmudug
2. C/rashiid Xaashi Cartan
3. Xersi Yuusuf Barre
4. Suldaan C/naasir Jaamac Seed
5. C/kariin Sheekh Axmed
6. Xasan Faarax Barre
7. C/casiis C/laahi Cabdi
8. Cabdi Jaamac Cabdulle
9. C/naasir Cabdi Faarax

Hoos ka aqri Magacyada xubnaha Puntland:

1. Xasan Maxamed Khaliif, Gudoomiyaha Gobalka Mudug ahna Gudoomiyaha Dhinaca Puntland ku hogaaminaya guddigan
2. General Muxudiin Axmed Muuse,
3. Korneyl Cabdul Warsame Cismaan
4. Caaqil Cabdi Diiriye
5. Caaqil Xuseen Gurey Maxamed Xersi
6. Sheekh Abshir C/raxmaan Yuusuf
7. Gananacsade Maxamed Quute
8. Ganacsade C/laahi Aadan Gaas
9. Maxamuud Yaasiin Tumey

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda waqtideeda uu dhammaaday, Mr. Cumar Cumar Sharmaarke, ayaa sheegay in guddigan loo magacaabay ka shaqaynta xabad joojinta iyo nabadaynta Magaalada Gaalkacyo.

Wuxuuna intaasi raaciyay, in guddigan la magacaabay uu u rajeynayo inay ku guuleystaan shaqada adag ee loo igmaday, ayna muhiim tahay inay u kuur-galaan xal u helidda colaadda Gaalkacyo ku soo noqnoqotay.

Xafiiska Horumar Online, Gaalkacyo
Horumaronline@gmail.com

SHARE