AMISOM oo sheegtay inay baareysa dilkii ciidankooda uu ka geystay Galgaduud

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Ciidamada Amisom ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaan ku aadan wararka sheegaya in ciidamadooda ay bartamaha Somaliya ku dileen ugu yaraan 7-qof oo rayid ah kadib markii ay ku dagaalamen ciidamadooda iyo kuwa Al-Shabaab arbacadii tagtay.

Amisom ayaa sheegtay in kolonyo ay ciidamadooda la socdeen oo maraayay Ceel Buur ay wadada u galeen dagaalamayaal ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayna khasaare gaarsiiyeen.

Amisom war kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay in wararka ay tabiyeen warbaahinta gudaha ay baaritaan ay ku sameyn doonan kaa oo ku aadan dad rayid ah ay toogteen ciidanka Amisom.

Warka waxaa lagu yiri sidoo kale Amisom ayaa ka feejigan inay waxyeelo u geysato dadka rayidka howlgal waliba ay ka sameynayso Somaliya ayna baaritaankooda la kaashan doonan saraakiisha Somaliya.

Ciidamada Amisom ayaa todobaadkii aan soo dhaafnay lagu eedeeyay dad rayid ah inay ku dileen inta u dhaxeysa Wabxo iyo Ceelbuur oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Tacadiga ciidamada Amisom ay u geysteen dadka rayidka, ayaa kaliya waxa ay sheegaan inay baaris ku sameyn doonaan jiritaanka wararkaaasi eedeynta la xiriira.

Ciidamada Amisom ayaa dhowr mar dad ku laayay Gobolada dalka Somaliya mana jirto cid wax iska weydiisay dhibaatada Amisom ay rayidka u geysatay.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close