DHAGEYSO: Galmudug oo Mag-dhow ka dal-batay Mareykanka, kaddib…

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Wasiirka amniga maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay maanta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu kaga hadlay Duqeyntii Maraykanka ay qirteen o ay sheegeen in ay dileen Ciidamo galmudug ah.

Wasiirka ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay soo dhoweynayaan qirashada Maraykanka uu qirtay islamarkaana ciidamadii Galmudug ee uu laayay ay ka doonayaan magtooda.

HALKAN KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID TAAR-DHULEED

Waan ku faraxsannahay in Maraykanka ay dib uga laabatay hadalkii ay ku andacoonaysay ee ahaa inaysan dilin ciidamo ka tirsan Galmudug waana soo dhoweynaynaa inay qirtaan in ciidankii ay dileen ay ahaayeen Galmudug” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug.

Wasiirka amniga Galmudug Cismaan Taardhuleed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Maraykanka uu bixiyo magta wiilashii kaga dhintay Galmudug duqeyntaasi iyo khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay.

Xafiiska Horumar Online, Gaalkacyo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close