Donald Trump: Sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan u musaafurin doonaa illaa 3-milyan oo Qaxooti!!!

Filed under: WARARKA MAANTA |

New York (Horumar Online) – Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu musaafuriyo labo illaa saddex milyan oo qaxootiga aan la diiwaan gelin ee sharci darada ku jooga Mareykanka.

Donald Trump ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu dhisi doono darbia ee laga hirgelinayo Xuduuda u dhaxeysa Mareykanka iyo Mexico.

Wareysi uu siiyay Barnaamijka 60 Minutes ee ka baxa Telefishinka CBS ayuu taageerayaashiisa u xaqiijiyay in kuwa uu musaafurinayo ay ku jiraan burcada iyo kuwa ka ganacsada daroogada.

U.S. President-elect Donald Trump speaks at election night rally in Manhattan, New York, U.S., November 9, 2016.  REUTERS/Mike Segar/File Photo

Dadka ku jira diiwaanka dambiyada, kuwa ka ganacsada daroogada iyo qaxootiga sharci darada ku jooga halkan sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa ku musaafurin doonaa”ayuu yiri Donald Trump.

Waxaa uu sheegay inuu ka dhabeynayo balan-qaadkiisa Ololaha doorashada markii uu ku jiray ee ahaa inuu darbi ka dhisayo xuduuda Mareykanka iyo Mexico ay wadaagaan.

Donald Trump ayaa dhowaan ka laabtay qaar ka mid ah balan-qaadyadii uu sameeyay markii ololaha uu ku jiray, gaar ahaan barnaamijka Obama Care, oo uu horay ugu tilmaamay mid musiibo ah, isla markaana uu meesha ka saarayo.

Hadalkan ka soo yeeray Donald Trump ayaa ku soo beegmaya, iyadoo banaan baxyada lagu diidan yahay ay galeen habeenkii shanaad, waxaana kumanaan ruux ay dibad baxyo ka dhigayaan magaalooyinka ku yaala Mareykanka.

Xafiiska Horumar Online, Minnesota-USA
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close