Home Dhacdooyinka FAALLO: Nidaamka Siyaasada Arimaha Dibada, Magacaabista Safiirada iyo Dhismaha Safaaraduhu waa guul...

FAALLO: Nidaamka Siyaasada Arimaha Dibada, Magacaabista Safiirada iyo Dhismaha Safaaraduhu waa guul Qaran

SHARE

FAALLO (Horumar Online) – Todobaadkii hore waxaa waraaqadihii aqoonsiga ee safiirnimo laga guddoomay sadex danjire oo kala ah, C/llaahi Warsame oo loo magcaabay dalka Ruushka, Yuusuf Garaad Cumar, Qaramada Midoobay, iyo safiirka Soomaaliya ee Faransiiska Cali Shariif Axmed.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynaha Fanasiiska François Hollande ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin cilaaqaadka ay la leeyihiin Soomaaliya. “Aadbaan ugu faraxsanahay in Ruushka iyo Soomaaliya ay dib u soo celiyeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed xilli dheer kaddib” ayuu madaxweyne Putin markii uu qaabilayay Danjire C/laahi Warsame oo ka mid ahaa macallimiintii hore ee Jaamacaddii Ummadda.

faallo_horumar_online

Yusuf Garaad, madaxii hore ee laanta afka Soomaalida ee BBC-da oo filayo inuu ku hadlo saddex ka mid ah shanta luuqadood ee looga hadlo Qaramada Midoobay wuxuu badalay danjire Cilmi Axmed Ducaale oo muddo 11 sanadood ah soo ahaa wakiilka Soomaaliya ee Jamciyadda Qurumaha ka dhexeysa, wuxuuna wax badan ku soo kordhiyay sumcadda ay Soomaaliya ay ku dhex leedahay New York, Waxaana Yusuf qoraal uu ku qoray bartiisa Facebook uu ku sheegay in si fiican uu u qaabilay Xoghaye Ban Ki- moon oo dhawaan xilka ku wareejin doona Xoghayaha cusub ee la doortay  Mr. Antonio Guterres.

Todobaadka soo socoda waxaa sidaas oo kale waraaqadihiisa laga guddoomi doonaa Danjire Cawaale Cali Kullane oo noqonaya safiirka Soomaliya ee dalalka isku aagga ah ee loo yaqaan (The Nordic Countries), kuwaas oo kala ah Sweden, Norway, Denmark, Finland, iyo Iceland, waxaana la filayaa inuu dib u soo celiyo xiriirkii ay Soomaliya la laheyd dalalkaas. Cilaaqaadka dalakaas iyo Soomaaliya waxaa 40-sano ka hor dhidibada u taagay Ra’isul Wasaarihii ugu horreeyay Soomaaliya C/llaahi Ciise Maxamuud oo muddo 11 sanadood ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Sweden.

Bishii December ee sanadkii hore waxay wasaaradda arrimaha dibadu soo saartay qorshaha nidaamka siyaasadda arrimaha dibadda, kaas oo muddo sadex sano ah xoogga lagu saarayo sidii Soomaaliya ay caalamka ula yeelan laheyd xiriir ku dhisan ammaan, maalgashi, iskaashi dhaqan, dhaqaale, waxbarasho, qurbajoogta iyo hagaajina muuqaalka ay Soomaaliya ay ku dhex leedahay ummadaha caalamka.

Inkasta oo afartii sano ee la soo dhaafay ay wasaaraddu yeelatay 3 wasiir, hadana madaxweyne Xassan SHeekh Maxamuud wuxuu magaca abay dhowr safiir, kuwaas oo nagu matali doona dhowr dal oo kala ah Turkey, Mareykanka, South Africa, Pakistan, Iraq, India, Bangladesh, Sucuudiga, Russia, France, Scandinavians, Kenya, Ethiopia, South Sudan, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

24 sanadood kaddib waxaa sanadkii hore dib loo furay safaaradda Soomaaliya ee Washington, waxayna aheyd farxad weyn in calanka Soomaaliya mar kale laga taago Mareykanka oo ka mid ah wadamada ugu muhiimsan ee cilaaqaadka la leh Soomaaliya, waxaana safiirka Soomaaliya ee Washington Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka arrimaha dibada C/salaam Hadliye ay sheegen in furitaanka safaaraddu uu ka turjumayo dib u soo noolaasha dowlad Soomaaliyeed. 

Waa guul qaran in Soomaaliya ay dib ugu soo laabtay bushada caalamka, hase ahaatee waxaa jira dalal aad iyo aad muhiim u ah oo aan weli xiriirkooda la soo celin ama aysan joogin safiirro danaheenna ka shaqeeya, waxaana dalalkaas ka mid ah Ingiriiska, Malaysia, Cuba, Canada, Brazil iyo Australia, waxayna iila muuqataa inaan lagu khasaari doonin haddii dalalkaas danjiyreyaal loo diro.

Dood ayaa ka dhalan karta inuusan jirin dhaqaale lagu bixiyo safaarado badan, hase yeeshee waxaa dhinaca kale la sameyn karaa in dhowrkii dal oo isku dhowba hal safiir iyo koox caawisa loo xilsaaro iyadoo danaha la kala ilaalinaayo. Tusaale; waxaa la is raacin karaa (Tanzania, Rwanda, Burundi, iyo Congo), (Uganda, South Sudan iyo Central Africa Republic), (Mareykan, Mexico iyo Guatemala), (Brazil, Chile, Peru, Bolivia iyo Venezuela) (Sweden, Norway, Denmark, Finland iyo Iceland), (Thailand, Myanmar, Laos, Cambodia iyo Vietnam).

Dalalka ay Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed u jartay waxaa ka mid ah dalka Iran, kaddib markii ay awood siyaasadeed isku qabteen waddanka Sucuudiga oo dagaal kula jira kooxaha shiicada ah ee ka dagaallamaya Yemen, waxaana arrintaas badan u arkeen in lagu fududaaday.

Inta badan dhismaha safaaradaha iyo guryaha deegaanka ee Soomaaliya ay ku leedahay caalamka waxaa dhisay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, hase ahaatee badankood natidaas qaran waxay ku dacantay dowlad la’aantii dalka.

Soomaaliya waxay dhinaca kale si buuxda xubin uga tahay Qaramada midoobay, Midowga Africa, Urur Goboleedka IGAD, Ururka Jaamacadda Carabta, Bangiga Horumarinta Africa, Bangiga Islaamka, Hey’adda Lacagta ee IMF, Hey’adda Caalamiga ah ee Duulista Hawada, Ururuka Gacansiga Adduunka, iyo Hey’ado iyo Ururo kale oo caalami ah.

W/D: Faarax Blue, 
Minneapolis, Minnesota.

Xafiiska Horumar Online, Minneosta-USA
Horumaronline@gmail.com

SHARE