RW CCC oo sheegay in dib u eegis lagu sameynaayo nidaamka Federalka, Maxaa cusub?

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameynaayo nidaamka Federalka Somaliya oo dalka xilligaan si rasmi ah looga hirgeliyay.

Cumar C/rashiid oo ka hadlaayay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa wuxuu sheegay nidaamka Federalka Somaliya, hadii uu noqday mid dhib keenay muhiim inay tahay dib u eegis in lagu sameeyo.

Siyaasiyiin kala duwan ayaa horay uga digay in dalka laga hirgeliyo nidaamka Federalka Somaliya, maadaama xilligan oo Somaliya dagaalo sokeeye ay ka soo kabaneyso inay wanaagsan tahay dib u heshiisiin rasmi ah in loo sameeyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

“Sideedaba waxaa is dhaheynay nidaamka Federaalka dadka waa ku dagayaa, laakiin hadii Federaalka uu xabad iyo dhib keenayo inaan iyada xitaa dib u fiirino waaye hadii Alle Idmo.”ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Nidaamka Federalka oo lagu dhisay Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa dalka waxa uu u yeelay in xuduudo kala duwan loo sameeyo Gobolada dalka, taasi oo keeni karta isku dhacyo hor leh oo dhexmara Beelaha Somaliyed oo heshiis aanan aheyn.

Nidaamka Federalka ayaa loogu talo galay in si rasmi ah looga hirgeliyo dalalka aduunka ee nabadda ay ka jirto, balse Dowladda Somaliya oo leh qorshe siyaasadeed oo gaar ah, ayaa dalka ku dedejisay Hirgelinta hanaankan Federalka ah.

Xafiiska Horumar Online, Gaalkacyo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close