UPDATE: Labo ka mid ah Askarta DF Somaliya oo lagu dilay Muqdisho

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Laba ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa galabta siyaabooyin kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay soo weerareen rag hubeysan.

Mid ka mid ah askarta la dilay, ayaa waxaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan nawaaxiga boosteejada laga raaco baabuurta aadda Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Askarigan oo ka tirsanaa Ciidamada Canshuuraha, ayaa waxaa toogasho ku dilay laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, kuwaa oo horey u sii qaatay qori AK47 ahaa, oo askarigaasi uu watay.

askarta-dowladda-soomaaliya

Ciidamada Nabad Suggida oo daqiiqado ka dib gaaray goobta uu falku ka dhacay, ayaa waxay ka sameeyeen hawlgal, iyagoona ku soo qab qabtay ugu yaraan labaatan nin.

Askariga labaad, ayaa waxaa casir liqii galabta lagu dilay xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley. Askarigan ayaa ka mid ahaa illaa saddex askari oo fadhisay halka loo yaqaano (Sar Gaduudda).

Askartan, ayaa waxaa soo weeraray niman la socday gaari nooca raaxada ah, kuwaa oo si kedis ah rasaas xoogan oodda kaga qaaday askartaasi, waxaana goobtaasi ku dhintay hal askari, iyadoo mid kalana uu ku dhaawacmay. Nin dhalinyaro oo ka mid ah dadka deegaanka oo xilligaasi wadada maraayay, ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay rasaastaasi.

Ragga dilka geystay, ayaa ku baxsaday gaari Kaarib ahaa oo ay la socdeen, sida ay Horumar.com u sheegeen dadka deegaanka. Ciidamada ammaanka ayaa goobtaasi gaaray, mar ay baxsadeen dembiile-yaasha.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close