Wasiir Fargeeti oo Baydhabo ku weeraray xubno ka mid ah Ergada Xildhibaanada soo xuleysa

Filed under: WARARKA MAANTA |

Baydhabo (Horumar Online) – Ka dib markii Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti)looga adkaaday kursiga Xildhibaanimo ee beeshiisa (Disow), ayuu Magaalada Baydhabo ku weeraray xubno ka mid ah Ergada soo xuleysa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.

Wasiirka, ayaa Khamiistii kursigaasi kula tartamay Maxamuud Macalin Yaxye, iyadoona uu Maxamuud Macalin Yaxye helay 26 cod, halka Wasiirkuna uu helay 25 cod, hal cod oo keliya ayaana looga guuleystay.

Wasiirka, ayaa weeraray guryaha ay Magaalada Baydhabo ka degan yihiin xubno ka mid ah Ergada Beesha Disow, isagoo ku eedeynaya inay ballanta uga baxeen.

fargeeti_horumar_online

Ciidan u daacad ah Wasiirka, ayaa Sabtidii weeraray hoyga uu magaaladaasi ka degan yahay Xildhibaan Yarow Aadan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Yarow Aadan, ayaa la soo sheegaya in si dirqi ah uu kaga badbaaday weerarkaasi, iyadoona ilaaladiisii ay dib u caabiyeen ciidankii soo weeraray.

Saacado ka dib, ayay ciidanka taabacsan Wasiir Fargeeri weerareen hoyga ay Magaalada Baydhabo ka degan tahay haweeneyda ka tirsan Ergada Beesha Disow.

Sarkaal ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed, ayaa Horumar.com u sheegay in Wasiir Fargeeti uu qalqal amni ka wado Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa loo adeegsado Warbaahinta, ayaa tilmaamay in Wasiirku uu horey Baydhabo u keenay hub sharci-darro ah, oo sida uu sheegay ay adeegsanayan maleeshiyada u daacadda ah.

Odayaasha reer Baydhabo, ayaa Fargerti ugu yeeray in uu xaaladda qaboojiyo, haddii tartan furan looga adkaaday kursiga Xildhibaanimo ee beeshiisa.

Shacabka Baydhabo, ayaa hadalhaya hujuumka uu Fargeeti ku hayo Ergada Koonfur Galbeed ee Xildhibaanada soo xuleysa, gaar ahaan Ergada ay isu heybta yihiin.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close