Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo ku guuleystay Kursiga Aqalka hoose

Filed under: WARARKA MAANTA |

Garoowe (Horumar Online) – Wasiirka xannaanada xoola, dhirta iyo daaqa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaystay kursigii 13-aad ee xubnaha Puntland ku matalaya aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka Somaliya, kadib Doorasho ka dhacday Magaalada Garowe.

Siciid ayaa ku guulaystay 48 cod, halka Musharaxii la tartamaayay oo lagu magacaabo Maxamuud Raage Maxamed uu helay 1 cod, Codna waa xumaaday, iyadoo guud ahaan ergada codaynaysay tiradoodu ay gaaraysay 50  qof  oo isugu jira rag iyo dumar.

Xildhibaan Siciid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in cod aqlabiyad ah uu ku guulaysto, waxaana uu u mahadceliyay ergadii dooratay iyo Guddiga doorashada heer Puntland.

Dhinaca kale, Kursiga 14-aad ee Aqalka hoose oo ay ku tartamayeen labo musharax ayaa waxaa ku guulaystay Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo helay 32, halka mukhtaar C/risaaq Yuusuf uu helay 19 Cod oo kaliya.

Doorashada aqalka hoose ee barlamaanka federaalka ee ka socota magaaladda Garoowe, waxaa lagu tartamaya Lix kursi, halka maalintii berina ay la qaban doona  doorashada kursiga todobaad oo baaqday.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close