XOG CUSUB: Guddiga Doorashada Galmudug oo lagu eedeeyay inay la safteen shaqsiyaad gaar ah

Filed under: WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug, ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku hayaan Qaybsiga Ergooyinka Beelaha ee Galmudug.

War qoraal ah oo ka soo baxay Beesha Cali Wehliye Saruur, ayaa lagu sheegay in Guddiga Doorashada Galmudug ay u xaglinayaan Afduub gaar ah uu wado Maxamed Sheekh Axmed oo ah Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug.

Maxamed Sheekh Axmed (Saruurow) ayaa isku dayaya inuu afduubto Ergadii Beesha Cali Wehliye Saruur, wuxuuna garab ka helayaa Guddiga Doorashada Galmudug oo larabay inay dhex dhexaad u noqdaan Beelaha Somaliyed sida ay wax u qaybsanayaan.

guddiga-doorashada-dadban-ee-maamul-goboleedka-galmudug

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close