Ciidanka Xoogga Dalka oo qarka u saaran inay la wareegan Deg. Tiyeeglow & Xaaladda oo kacsan

Filed under: WARARKA MAANTA |

Tiyeeglow (Horumar Online) – Ciidanka Xoogga Dalka oo ay kaabayan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa saacadihii ugu dambeeyay kulaalaayay Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom iyo kuwa Dowladda Somaliya, ayaa 26-kii bishii hore ee October soo baneeyay Degmadaasi, waxaana saacad gudaheed kula wareegtay Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga iyo kuwa Koonfur Galbeed, ayaa waxay iminka ku sugan yihiin afaafka hore ee Degmada Tiyeeglow, waxaana la soo sheegaya inay isaga baxeen mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Labada ciidan oo Axadii ka soo dhaqaaqay Xarunta Gobolka Bakool ee Magaalada Xudur, ayaa waxaan jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen dagaal-yahanada taabacsan Al Qaacidada Somaliya.

Taliyaha Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) oo hogaaminaya hawlgalkan, ayaa sheegay inaanay weli gudaha u gelin Degmadaasi.

Taliyaha oo la hadlay Horumar.com, ayaa tilmaamay in saacadaha soo socda uu yoolkoodu yahay inay qabtaan Tiyeeglow, iyagoo xilligaana ka feejigan suurtagalnimada miinooyin ay maleeshiyada Shabaabku ku aaseen hareeraha wadooyinka.

General Xasan Baydhabo, ayaa cadeeyay inaysan hawlgalkan qayb ka ahayn Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayna kaga soo harayn sida uu sheegay Magaalada Xudur.

Xafiiska Horumar Online, Baydhabo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close